2154 Views

Howlgal Xoogan Oo Ka Soconayo Qayba Kamidah Jubbooyinka

Howlgal Xoogan Oo Ka Soconayo Qayba Kamidah Jubbooyinka
____________________________________________________________________________

uqdisho | QOL | July 30, 2017-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka bilaabeen degaano dhowr ah oo ka tirsan goboladda Jubbooyinka.

Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland Xasan Ciraaqi ayaa sheegay in hadda howlgalladu ay ka socdaan degaano ay ka mid yihiin Buulogaduud , Wirkow iyo Kamsuuma.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalladaan ay  qeyb ka yihiin fulinta Amarkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Al-Shabaab laga saaro degaanada maamulka Jubbaland.

Ciidamada ayuu sidoo kale tilmaamay in aysan dib u soo laaban doonin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa markii uu tagay Magaalada Kismaayo Ciidamada Jubbaland kula dardaarmay in ay qaadaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment