4425 Views

Jeff Bezos oo saacado kooban ahaa Ninka ugu taajirsan Adduunka!

Jeff Bezos oo saacado kooban ahaa Ninka ugu taajirsan Adduunka!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 30, 2017-Jeff Bezos; oo ah guddoomiyaha fulinta Barta Suuqa Internetka ee AMAZON ayaa noqday qofka ugu taajirsan Caalamka saacado kooban kaliya,waxaana uu kaddib khasaare uu la kulmay ku noqday kaalintiisii hore.

Dakhliga Sharikadda AMAZON ayaa khamiistii gaaray wax ka badan $92 Bilyan oo doollar,waxaana ay ka dhalatay qiyaasta kororka saamiga sharikadda AMAZON oo khamiistii gelinkii dambe sare u kacay.

Hal mar ayaa waxaa ku korodhay $6 Bilyan oo Doollarka Mareykanka ah waxaana sidaas uu ku noqday ninka ugu taajirsan Caalamka saacado gudahood.

Jeff Bezos,waxaa uu leeyahay Saamiga Suuqa Internetka AMAZON oo gaaraya 16%,taas ayaana ka dhigtay in uu mar qura noqdo Ninka adduunka ugu taajirsan haddana hoos u dhacay mar kale.

laakiin markii uu waaga baryay subaxii Jimcaha waxaa uu la soo toosay Khasaara $6bilyan oo doollar,taas oo ka dhigtay in uu halkiisii ku laabto.

Waa Ninka 2aad ee ugu taajirsan Caalamka,waxaana kaliya ka horreeya Ninka laga qaadi la’yahay ee Bill Gates oo Reer Mareykanka ah.

Jeff Bezos;waxaa uu hadda sheegan karaa in uu mar noqday Ninka ugu taajirsan Adduunka,sidaasna ku sameeyay Taariikha Magac u sameyn karta isaga

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment