2739 Views

Shir Maanta Lagu Wado Inuu Kafurmo Jowhar

Shir Maanta Lagu Wado Inuu Kafurmo Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 29, 2017——Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle uu ka furmo shir lagu heshiisiinaayo beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaallamay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Shirkaan ayaa waxaa gogoshiisa dhigay maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa horay u sheegay in shirkaan uu muhiimad u leeyahay maamulka Hirshabeelle.

Guudlaawe ayaa sidoo kale tilmaamay in shirka maanta ka furmaya Jowhar uu yimid ka dib kulamo badan oo ka dhacay Muqdisho oo looga hadlayay dagaalka Shabeelaha Dhexe.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan degmooyinka Cadale iyo Balcad , waxaa kusoo laablaabtay dagaal beeleedyo khasaare geystay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment