2991 Views

Somaliland oo digniin u dirtay Haweney sheegtay in ay kaniisad ka furtay Hargeysa

Somaliland oo digniin u dirtay Haweney sheegtay in ay kaniisad ka furtay Hargeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 30, 2017–Maamulka Somaliland ayaa beeniyay in Magaalada Hargeysa laga furay Kaniisad ay leeyihiin dadka heysta badhabta Katooligga,kaddib markii dhawaan ay soo baxday Haweeney sheegeysa in Somaliland u fasaxday in ay Kaniisadda ka dhisto Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullahi Axmed ayaa war-saxaafadeed uu ku saxiixnaa ku sheegay in ay beentahay sawirrada la baahiyay,waxaana uu xusay in warqad digniin ah ay u direen Haweeneyda muuqaalkeeda warbaahinta baahisay iyada oo sheegeysa in ay Somaliland u timid dib u dhiska Kaniisad 30 Sano ka hor bur burtay.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka Somaliland iyo Diinta Islaamka ay is waafaqsanyihiin islamarkaana aysan jirin meel lagu diiday in dadka sharciga ku jooga SOmaliland la siiyo goobo ay ku  cibaadeystaan sida uu hadalka u dhigay.

loooooooop

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment