2754 Views

Somaliya oo heerka ugu liidata kaga jirta nadaafadda biyaha Caalamka oo dhan!.

Somaliya oo heerka ugu liidata kaga jirta nadaafadda biyaha Caalamka oo dhan!.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 30, 2017–Mareegta Tap Water Database,ayaa baahisay xog ku saabsan heerka nadaafadda biyaha ay cabaan dadka Dunida guudkeeda ku nool hadda waxaana xogtan laga sameeyay inta badan Waddamada Caalamka.

In ka badan 50,000 oo Ceelal biyaha laga cabo ah ayaa laga sameeyay tijaabada heerka nadaafadda biyaha ee ay Dadka Cabi karaan.

Waxaana soo baxday in Waddamo ay ka midyihiin Mareykanka ay safka dhexe ku jiraan.

178; Waddan oo sahanka nadaafadda biyaha laga sameeyay ayaa lagu soo ogaaday in inta badan Waddamada horumaray dadkooda ay heystaan biyo nadiif ah 100%.

Mareykanka waxaa uu galay kaalinta 36aad ee Dalka ay dadkiisa heystaan biyaha nadiifka ah,waxaana tirade boqolleyda Mareykanka ee biyah nadiif ah heli karta ay gaareysaa 86%.

Waddamada sahankan laga sameeyay waxaa ka mid ah Soomaaliya waxaana ay gashay kaalinta 178aad,taas oo ka dhigan in ay noqotay dalka dadkiisa aysan heysan biyo nadiif ah oo ku filan.

Tirada boqolleyda Dadka Soomaalida ah ee heli karta biyo nadiif ah ayaa Mareegta Tap Water Database,waxaa ay ku sheegtay in ay gaarayaan 1.29%.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment