2883 Views

WFP oo raashin dhacay geysay Gobolka Mudug,Maqal

WFP oo raashin dhacay geysay Gobolka Mudug,Maqal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 30, 2017–Magaalada Gaalkacyo iyo Degmada Jarriiban ee Gobolka Muudg waxaa lagu arkay Gawaari wadda Raashin dhacay oo ay leedahay Hay’adda WFP ee Qaramada midoobey u qaabilsan Raashinka.

11 Gaari oo Raashin ah ayaa qaar ka mid ah la geeyay la geeyay degmada Jirriiban ee Gobolka Mudug halkaas oo maamulkaas oo maamulka Degmada ay isku qabsadeen waxa laga yeelayo.

Nabaddoon Cismaan Jirre oo ka mid ah Odayaasha degaanka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Degmada Jirriiban uu amray in Raashinka la dejiyo haddii la doonaba halla daadshee,waxaase ka biya diiday labadiisa ku xigeen.

Sidoo kale Nabaddoon Daroor Xaaji ayaa isna sheegay in xaafadahooda la geeyay raashin dhacay islamarkaana ay dood ka gudbiyeen maamulka degmadaas.

Waxaa uu xusay in Raashinka la keenay degaankaas iska daa Bani’adamka e aysan cuni karin xoolaha,Maamulka Jirriiban aya aku doodaya in ay muhiim tahay in laga dejiyo Gawaarida.

Raashinkan ayaa laga soo qaaday Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Puntland,dhanka Hay’adda WFP wali kama hadlin Raashinka dhacay ee ay geysay Gobolka Mudug.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment