2454 Views

Booliska Dalka Kenya oo sheegay in Al-shabaab ay weerarayaan 7 Gobol oo ka tirsan Kenya

Booliska  Dalka Kenya oo sheegay in Al-shabaab ay weerarayaan  7 Gobol oo ka tirsan Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 2017— Shir Jaraa’id oo saraakiisha Booliska Kenya ay ku qabteen magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya ayey ku sheegeen in laamaha sirdoonka Kenya ay hayaan xog la xiriirta in Al-shabaab qorsheyneyso weerarro badan inta lagu jiro doorashada Kenya.

Saraakiishu waxaa ay sheegeen in xogta Hay’adaha sirdoonka ay soo saareen sheegeyso in Al-shabaab ay qorsheynayaan weerarro ay ka fuliyaan 7; Gobol oo ka mid ah dalka Kenya.

Hay’adda sirdoonka kenya,laanta la dagaallanka Argagixisada Kenya iyo Hay’daha amaanka ayaa sheegay in ay hayaan xog muujineysa in Al-shabaab ay maalmaha soo socda doonayaan in ay weeraraan Gobollada kala ah Mandera, Wajir, Garissa, Lamu, Tana River, Kilifi iyo Mombasa oo sohdin la leh Soomaaliya.

Boolisku waxaa ay intaa ku dareen in ujeedada weerarradaas ee Al-shabaab ay tahay in dadka Kenyaanka ah lagu cabsi geliyo sidoo kalena aysan ka qeyb qaadan doorashada ka dhaceysa Kenya 8 Bisha August ee soo socota.

Al-shabaab waxaa ay horay uga digeen Dadka Kenyaanka ah in ay ka qeybqaataan doorashada ka dhaceysa Dalka Kenya waxaana ku hanjabeen in ay beegsan doonaan goobaha codbixinta iyo dadka ka qeyb qaadanaya.

Kenya waxaa ay sheegeysaa in Garabka AL-shabab ee Kenya ee loo yaqaan Jesh Al-Ayman qeybtooda Amniyaadka loo xilsaaray fulinta weerarrada lagu qaadayo todobo ka mid ah Gobobollada Kenya ee xiga Soomaaliya sidaas darteedna ay baaq u direen dadka degaanka in ay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment