2805 Views

Dhagayso :-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo baaq u diray Baralamaanka Maamulkaasi

Dhagayso :-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo baaq u diray Baralamaanka Maamulkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 2017– Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed waxa uu ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo shalay isku shaandheyn lagu sameeyay.

Waxa uu sheegay xildhibaanada in looga baahan yahay in aysan eed ka keenin xukuumadan, ayna si deg deg ah ku ansixiyaan, si xukuumadan ay eedeeda u qaadato, shaqadeedana ay u gudato.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa Golaha Wasiirada cusub waxa uu ugu baaqay ansixintooda kadib in shaqadooda ay si sax u gutaan, waqtiyada shaqadana ay xaadir ku ahaadaan xafiisyadooda, si shacabka ay ugu adeegaan.

“Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed waxaan ka codsanayaa in ay xukuumadan, ansixiyaan, wax kasta oo Bani’aadam sameeyay ma dhama, Baarlamaanka waxaan ka codsanayaa in xukuumadan aysan eed ka keenin, oo ay ansixiyaan, si shaqadooda ay u gutaan”. Ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa magacaabay Wasiiro ka kooban 24 Wasiir, 24 Wasiir Kuxigeen iyo 5 Wasiiru Dowle, tirada Wasiiradan ayaa ka dhigan 53 Wasiir.

Halkan Ka Dhagayso 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment