2790 Views

Dhagayso:- Maxakamadda ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Ruuxii Dilay Wasiir Siraaji

Dhagayso:- Maxakamadda ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Ruuxii Dilay Wasiir Siraaji
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 2017— Maxkmadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa dil ku xukuntay D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir oo lagu eedeeyay dilka Wasiirkuu howlaha guud iyo dib u dhiska Cabaas Siraaji Sheekh Isxaaq oo 3dii May lagu dilay magaalada Muqdisho.

D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid),ayaa horay Racfaan uga qaatay dil toogasho ah oo ay ku xukuntay Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida,waxaana uu u gudbiyay Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida taas oo iyadana Maxkamadda darajada 1aad go’aankeedii ku raacday islamarkaana dil ku xukuntay D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid).

Qareennada u dooday Axmed ayaa racfaankii ay ka qaateen Xukunkii Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida waxaa uu u muuqdaa mid mar kale guul darreystay maaddaama dil lagu xukumay oo ay ku xukuntay Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida.

Waxaana la filayaa in Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida ay xukunkaasi dilka ah ku fuliso Axmed Cabdullahi Ceydiid oo loo heysto dilka Wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya Cabaas Siraaji.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment