2874 Views

Dhagayso+Sawiro:- Madaxweyne Farmaajo oo labo qodob kala hadlay hay’adaha ammaanka Dalka

Dhagayso+Sawiro:- Madaxweyne Farmaajo oo labo qodob kala hadlay hay’adaha ammaanka Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 2017— Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya maanta waxaa ka dhacay shirka Golaha Amniga Qaranka dalka, kaasi oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha Ciidamada iyo Saraakiisha Hay’adaha ammaanka, kaasi oo looga hadlay amniga guud ee dalka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa Xaalada ammaanka, Howlgalada xasilinta loogu magacdaray ee ka socda Muqdisho, La dagaalanka Argagixisada, Xoojinta amaniga, Mideynta Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saraakiisha Ciidamada iyo Hay’adaha ammaanka ku booriyay in ay waajib tahay in Ciidamada Dowladda ay la wareegaan ammaanka guud ee dalka.

Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidamada Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay shirkan in laba arimood si gaar ah diirada loogu saaray sidii Ciidamada Dowladda ay ula wareegi lahaayeen amniga dalka oo dhan iyo wada shaqeynta Ciidamada dhexdooda ah.

Dhowaan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Millitariga iyo kuwa NISA, kaasi oo uu ku dhintay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka NISA iyo Saddex ka mid ah ilaaladiisa, arrimahaasi ayaan qeyb ka ahaa kulanka waxa looga hadlay.

Halkan Ka Dhagayso 

a1a2a3a4a5a6a7a8a9
W/Q:-Bashiir Barre ALI 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment