2835 Views

Madaxweyne Dalka oo Saxiixay Amar lagu dilay Sargaal sare oo Shabaab ah

Madaxweyne Dalka  oo Saxiixay Amar lagu dilay Sargaal sare oo Shabaab ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 2017 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ogolaaday weerar ay qaadeen ciidamo ajnabi ah oo la sheegay in lagu bartilmaamaysaday hogaamiye ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Weerarkaan oo shalay ka dhacay agagaarka degaanka Tooratorow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la tilmaamay in lagu beegsaday hogaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab balse aan la shaacin magaciisa.

Wasiirka warfaafinta ee xukuumada Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa war koban uu kusoo qoray barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu kaga hadlay weerarkaasi uu amarkiisa bixiyay Mdaxweyne Farmaajo.

Wasiir Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday weerar ay qaadeen waxa loogu yeeray saxiibada caalamiga ah oo sida muuqata ah ciidanka Mareykanka ay dileen hogaamiye Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo dilalka qorsheesan ee ka dhacayay Muqdisho.

Hogaamiyaan oo aan la shaacin magaciisa ayay dowlada Soomaaliya rumaysneeyd inuu ahaa sarkaalka khaarijinta iyo qaraxyada ugu qaabilsana Al-shabaab magaalada Muqdisho.

Weerarada sida gaarka ah ee ay ciidamada Mareykanka uga fuliyaan Soomaaliya waxa uu kazoo baxaa Taliska Mareykanka ee Africom kadibna waxa meel mariya Madaxweynaha Somaliya.

Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga isku cel celin 200 ilaa 300 oo askari kuwaas oo tababaro siiya ciidanka Soomaaliya mararka qaarna ay siwadajir uwada qaadan weerar qorsheesan oo Al-shabaab ka dhan ah.

Xarakada Al-shabab ayaan wali ka hadal warkaan kazoo yeeray Dowladda Soomaaliya ee lagu khaarijiyay hogaamiyahaasi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment