2247 Views

R/Wasaarah Soomaaliya Oo Baaq U Diray Shacabka Soomaliyeed

R/Wasaarah Soomaaliya Oo Baaq U Diray Shacabka Soomaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 2017—-Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa uga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed qaraxii shalay ka dhacay wadada Makkah Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxaas, waxaan sidoo kale ALLAH uga baryayaa kuwa dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo ” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in hal dhinac looga soo wada jeesto ficillada kooxaha Argagixisadu ay la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan.

“Waa inaan meel uga soo wada jeesanaa Argagixisada liddiga ku ah jiritaanka iyo qaranimada ummada Soomaaliyeed” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Qaraxan oo ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa galaaftay nolosha toban ruux, halka shan iyo toban kalana ay ku dhaawacantay, kuwaasi oo hada lagu baxnaaninayo isbitaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment