4023 Views

Ururka Iskaashiga Islaamka oo Berri Istanbuul uga shiraya arrimaha Qudus iyo Somaliya

Ururka Iskaashiga Islaamka oo Berri Istanbuul uga shiraya arrimaha Qudus iyo Somaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 2017— Ururka Iskaashiga Iskaashiga Islaamka ayaa berri waxaa uu kulan uga furmayaa Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga waxaana kulankan looga hadli doonaa Xaaladda Magaalada Qudus iyo Masaajidka Al-Aqsa ee ay Yuhuuddu dhibaatada ku heyso,waxaa kale oo waxyaabaha laga hadlayo ka mid ah dagaallada kooxaha lagu sheego xagjirka ay ka wadaan dunida Muslimka.

Kulan horudhac u ahaa kulanka Berri furmaya ayna ku kulmeen guddiyada joogtada ah ee OIC ayey sidoo kale kaga hadleen Qara shalay ka dhacay muqdisho ee ay dadka ku dhinteen,waxaana ay cambaareeyeen weerarrada ka dhacaya Soomaaliya iyo meelo kale oo ka mid ah Caalamka Islaamka.

Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmed Al-Othaimeen,ayaa ka tacsiyadeeyay khasaaraha ka dhashay Qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana uu intaas ku daray in uu rajeynayo in amniga Somaliya uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo laabto.

Kulnak berri ka furmaya Istanbuul ayaa la filayaa in Waddamada Muslimka ah ay diiradda ku saaraan dhibaatada Muslimiinta ee Caalamka gaar ahaan Falastiin iyo Waddamada kale sida Muslimiinta Burma oo la kulma dhibaateyn joogto ah oo ay ku heyso Dowladda Dalkaas aan Muslimka ahayn.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment