2940 Views

Wasiirka Amniga oo gaaray Jowhar iyo shir halkaasi ka furmay

Wasiirka Amniga oo gaaray Jowhar iyo shir  halkaasi ka furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 2017—- Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka HirShabeelle waxaa ka furmay Shirweyne dib u heshiisiin oo lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo maalmihii dhawaa ku dagaalamayay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo halkaasi gaaray ayaa furay shirkaasi, kaasi oo lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo dhowaan ku dagaalamay degmada Cadale.

Shirka waxaa goobjoog ka ah Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka HirShabeelle iyo Madaxda sare ee Maamulka HirShabeelle.

Sidoo kale shirka waxaa ka qeyb galaya oo goob joog ka ah Xubno matalaya beelihii ku dagaalamay Degmada Cadalle ee Gobolka Sh/Hoose oo Odayaal iyo Waxgarad u badan.

Labada beel ee ku dagaalamay Degmada Cadale ayaa khilaafkoodu waxa uu salka ku hayaa lahaansho dhul deegaan ah oo ku yaal deegaan ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Abuukaate) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee la socda Wafdiga Wasiir Ducaale oo la halday warbaahinta Risaala ayaa ka warbixiyay qaabka uu u dhacay furitaanka Shirka.

“Waxaan soo gaarnay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, waxaan u nimid heshiisiinta beelo walaalo ah oo beryahan dambe ku dagaalamayay qeybo ka mid gobolka, ujeedadana waxa ay tahay shir dib u heshiisiin ah oo aan u qabano beelahan.” Ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate.

1 2 3 4 5 6 7 9

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment