2232 Views

Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay la socon doonto Xaaladda Dadkii Shalay Dhaawacmay

Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay la socon doonto Xaaladda Dadkii Shalay Dhaawacmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 2017– Iyadoo Shalay Magaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay ayaa Xukumadda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in Dadkii Shacabka ahaa Ee Qaraxii ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ku Waxyeeloobay ay Xaaladdooda la socon doonto.

Guddi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Booqday Isbitaalada la dhigay Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Shalay oo isugu jira kuwo Culus iyo kuwo Fudud,waxaana Guddigaas ay sheegeen in Xukumadda Soomaaiya ay Dalka Dibaddiisa u qaadi doonto Dhaawacyada liita Ee Dalka Gudihiisa wax looga qaban waayay.

Qaraxii Shalay ka dhacay Wadada Mashquulka badan Ee Maka Al-mukarama ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 Qof,waxaana ku dhaawacmay illaa 20 kale.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment