2712 Views

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Beri Go’aan Ka Gaaraya Arinta Wasiir Xoosh

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Beri Go’aan Ka Gaaraya Arinta Wasiir Xoosh
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  August 1, 2017—Gudoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa malinta Berito ah ku wargeliyay in xubnaha Golaha Baarlamaanka soomaaliya ay isugu yimadaan kulankooda caadiga haa kaas oo ka duwanaan doono kulamadii hore.

Kulanka Xildhibaanada ee Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in Go’aan looga gaaro kiiska wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh jibriil oo dib u eegis lagu sameynaya xilheyntiisa.

Khilaaf u dhaxeya Wasir xoosh iyo Xildhibaanada ayaa waayadaan jiray kadib markii xildhibaanada ay ka dalbadeen in uu horyimaado balse uu ka cudur daartay taas oo keentay in xildhibaanada qaar ay dalbadaan in dib u eegis lagu sameeya Xilka uu hayo Wasiirnimo.

Wasiir xoosh ayaa dalabaday in lasiiyo Warqad fasax ah isaga oo doonaya in Safar Caafimaad uu dalka dibadiisa u aado,xili Axadii la soo dhaafay ay sugayeen Xubnaha Golaha Shacabka balse uu ka baaqsaday.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maalmihii la soo dhaafay qoraalo uu soo dhigayay bartiisa bulshada ku weerarayay Baarlamaanka, taasoo xiisada u dhaxeysa isaga iyo Baarlamaanka cirka sii gelineysay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho  

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment