2376 Views

Banaabax Xoogan Oo Ka Dhacay G/Galgaduud

Banaabax  Xoogan Oo Ka Dhacay G/Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 1, 2017—Banaanbax looga soo horjeedo Wasaaradda Waxbashadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Maamulada Iskuullada , Waalidiin iyo arday badan ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Waxbasharadda in ay Musuqmaasuqday Imtixaankii Dugsiyadda Sare ee Caabudwaaq.

Maamuladda iskuuladda Caabudwaaq waxa ay sheegeen in aan la saxin Imtixaankii laga qaaday ardeydooda, islamarkaana qaab Musuq ah lagu bixiyay Buundooyinka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbasharada Soomaaliya ayay sheegeen in ay kala hadleen arintaasi, islamarkaana uu u sheegay in qaab isku shaandheyn ah ay sameyn doonaan.

Ardayda Caabudwaaq ayaa watay Boorar ay ku qoran yihiin jooji Musuqmaasuqa iyo Erayo kale.

Galmudug ayaa horay Wasaaradda Waxbasharadda Soomaaliya ugu eedeeysan gacan bidixeysi, waxaana ay joojisay Wada shaqeyntii kala dhexeysay sida uu horay Qaranimo online  ugu sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbasharadda Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment