2415 Views

Booliiska Dalka Kenya Oo Aqoonsaday Ruuxii Weeraray Hoyga Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya

Booliiska Dalka Kenya Oo Aqoonsaday Ruuxii Weeraray Hoyga Madaxweyne ku xigeenka Dalka  Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 1, 2017—Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ninkii weeraray guriga Madaxweyne ku xigeenka Kenya uu ku lahaa Uasin Gishu inuu ahaa nin ka soo jeeda magaalada Mandhera ee Waqoyi Bari Kenya.

Taliyaha ciidamada dambi baarista Kenya Ndegwa Muhoro ayaa ku sheegay qofkii weeraray guriga Madaxweyne ku xigeenka Kenya Mohammed Ibrahim Muhammad oo degenaa Deegaanka Dandu Bariga Mandhera.

“Ninka weerarka geystey waxa uu ahaa ganacsade degenaa magaalada Eldoret waxaana aan cadeyneynaa in weerarka uu kaligii ku ahaa oo aysan jirin cid ku wehelisa.”ayuu yiri Mr Muhoro oo ku sugan magaalada Eldorter.

Meydka ninka weerarka ka dambeeyay oo weli yaal isbitaalka Moi Teaching ayay Boolisku sheegeen in ay baarayaan in hore uu dambiyo u galay.

Mr Muhoro ayaa sheegay in qofka weerarka geystey uu diley hal ruux mid kalana dhaawacay balse uusan u helin awood inuu gudaha u galo guriga Mr Ruto.

Hase yeeshee Booliska magaalada Eldoret ayaa sheegay shalay in Muhammad uu xiriir wanaagsan la lahaa ilaalada guriga Mr Ruto ee Sugoi ku yaal waxana uu ka iibin jirey alaabo kala gedisan isagoo weliba deyn ku siin jirey waxyaabaha uu ka ganacsado.

Booliska Turbo iyo Jua Kali ayaa heegan la geliyay Axadii kadib markii la ogaaday in qaar ka mid ah dadka halkaa ku nool ay u hanjabeen dadka Soomaalida ah ee halkaa ku nool.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment