3324 Views

Daawo sawiradan:-Baaritaan Xoogan Oo Laxiriira Dilkii Ciise Jiijiile Oo Soconaya

Daawo sawiradan:-Baaritaan Xoogan Oo Laxiriira Dilkii  Ciise Jiijiile Oo Soconaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 1, 2017— Ciidanka Booliska Somaliya ee sida gaarka ah loogu tababaray Baariska danbiyada iyo Isku dhaca ka dhasha dhimashada iyo dhaawaca ee loo yaqaano Joint Investigation Team (JIT), ayaa ku hawlan Baarista dhacdadii lagu dilay Ciise Jiijiile oo mar soo noqday Taliye ku xigeenkii Nabad Suggida Gobolka Banaadir.

Saraakiil Cadaan ah oo Booliska qaybta Baaritaanada ka caawiya ayaa sidoo kale qayb ka ah hawsha Baarista ah ee socota, maadaama Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu Taliyaha Booliska Madax uga dhigay Baaritaanada iska hor imaadkii ciidamada Nabad Suggida iyo Militariga madaxtooyadda ku dhexmaray 26-kii Bishii July.

Ciidamada Booliska ayaa la arkaayay iyaga oo tagay goobihii ciidanka iska hor imaadka uu ku dhexmaray, kadibna calaamadeeyay goobihii rasaasta ay ku dhacday iyo maydadka askartii NISA ka tirsanaa halkii ay yaaleen.

Baaritaankaan oo ah mid caalami ah oo la mid ah midka aduunka lagu baaro shaqaaqooyinka noocaan oo kale ah, ayaa Booliska wuxuu weli ku guda jiraa cadeynta sida ay wax ku dhaceen.

Ciidamada ayaa tagay Koontaroolka ciidanka Militariga ay ku leeyihiin Tiyaatarka Qaranka, kadibna halkaasi waxa ay ku calaamadeeyay goobihii lagu dagaalamay iyo labada ciidan meeshii ay kala joogeen xilliga rasaasta ay bilaabanaysay.

Arintaan baarista ah ee socota, ayaa looga gol leeyahay in lagu cadeeyo cida leh masuuliyadda dhimashada iyo dhaawaca goobtaasi ka dhashay, maadaama la dilay Ciise Jiijiile iyo afar askari oo ilaalo u aheyd.

Baaritaanka Booliska ay wadaan ayaa si weyn isha loogu haayaa, iyadoo la sugaayo natiijada baaristaasi ka dhalata, maadaama la shaacin doono cida leh masuuliyadda dhibaatadii dhacday.

Madaxweynaha Somaliya ayaa ku qanciyay Beesha uu ka dhacay Ciise Jiijiile, in la soo xiray dhamaan askartii ku lugta laheyd iska hor imaadkii dhacay, sidoo kalena arintaan maxkamad la isla tagi doono.

 

1 2 3 4 5 7

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment