2700 Views

DEG–DEG:-Qarax Ismiidaamin ah Oo Goor Dhow Ka Dhacay Bartamaha Magalada Kismaayo

DEG–DEG:-Qarax Ismiidaamin ah Oo  Goor Dhow Ka Dhacay Bartamaha Magalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Kismaayo  | QOL |  August 1, 2017—Qarax nuuciisa uu yahay ismiidaamin ayaa lala beegsaday maqaaxi lagu magacaabo Shaax-macaan oo ku dhegan xaruntii hore ee ceymiska magaalada Kismaayo, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland.

Qaraxan oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa geystay khasaare aad u xoogan oo soo gaaray dad shacab ah, oo ku shaaheynayay maqaaxida la weeraray ee ku taalla magaalada Kismaayo.

Dadka baraha Internetka isticmaalaya ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya tirada dhimashada Qaraxan in ay tahay mid aad u badan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Isbitaalada qaar la soo gaarsiiyay dad jirkooda uu go’goay, oo xitaa ay sababtay in dadka qaar la kala garan waayo.

Saraakiisha Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa waxa ay sheegeen goobta uu Qaraxa ka dhacay in ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, kuwaasi oo goobta ka soo qaaday dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi, waxayna gaarsiiyeen goobaha caafimaadka, si loo baxnaaniyo.

Ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay afarta jiha u rideen Rasaas aad u xoogan, taasi oo xitaa qal qal gelisay dadka shacabka ah, waxay sidoo kale Ciidamada xireen wadooyinka laga soo galo goobta uu Qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka wada baaritaano.

Magaalada Kismaayo ayaa caawa xaaladeeda waxa ay tahay mid kacsan, waxaana wadooyinka magaaladaasi caawa si aad ah u soo buux dhaafiyay Ciidamo gaar ah oo wada amni xaqiijin, kuna daba jira raggi falkan ka dambeeyay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Kismaayo 

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment