2505 Views

Dowlada Soomaaliya Oo Shaacisay In Ay Dishay Madaxii Al-Shabaab ee G/ Banaadir

Dowlada Soomaaliya Oo Shaacisay In Ay Dishay Madaxii Al-Shabaab ee G/ Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 1, 2017—BDowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in howl gal qorsheysan lagu dilay Madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaanay Cali Jabal.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqeyn ku dileen xubin ka tirsan Al-Shabaab meel ku dhow deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in la dilay Wakiilkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir.

“Dowladda Federaalka ayaa fasaxday howl gal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida iyo saaxibada caalamiga ay ku qaadeen Horjooge ka tirsan Al-Shabaab, waxaa la rumeysan yahay in lagu dilay Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal”ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Illaa iyo hada wax war ah kama soo bixin Al-Shabaab, Sarkaalka la rumeysan yahay in weerarka lagu dilay ayaa horay uga hadlay weeraro qaraxyo oo ka dhacay Muqdisho, kaasoo dad badan ku dhinteen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment