2304 Views

Dowlada Uganda oo shaki gelisay weerarkii Askarta looga laaayay baaritaanna billowday

Dowlada Uganda oo shaki gelisay weerarkii Askarta looga laaayay baaritaanna billowday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 1, 2017—  weerar dhabbo gal ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidamada Uganda lagu dilo Askar ka badan 12 Askari sida ay sheegtay Dowladda Uganda.

Arrintan waxaa ku dhawaaqay Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Dalka Uganda Richard Karemire,waxaa uu sheegay in baaritaankan uu dhashay kaddib markii uu soo baxay tuhun la xiriira in Al-shabaab laga caawiyay xogta Ciidamadan.Wargeyska NewVision ee ka soo baxa Dalka Uganda ayaa saaka baahiyay in weerarka uu dhacay xilli ay wada socdeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee SNA iyo kuwa AMISOM.

Weerarkaas ayaa warbixinta lagu sheegay in uu ku dhintay hal Askari oo Soomaali ah iyo 12 Uganda u dhalatay,waxaana dowladda Uganda ay sheegeysaa in ay jirtay wada shaqeyn Al-shabaab iyo dadka ka mid ah Ciidamada wada socday dhexmartay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Uganda ayaa Guddi u saartay baaritaanka arrintan waxaana sidoo kale guddigan ay ka shaqeyn doonaan sidii Midowga Afrika looga qaadi lahaa Magdhowga Askarta Uganda ee lagu laayay Shabeellaha hoose.

Guddigan waxaa hoggaaminaya Brig. Kayanja Muhanga,oo haddaba ku sugan Soomaaliya,fulinayana dabagalka weerarkaas,waxa horseeday qasaaraha intaas la eg iyo haddii ay jirto ku lug lahaansho saddexaad.

Dowladda Uganda ayaa horay Askari ka mid ah Ciidamadeedii ka badbaaday weerarkii Jannaale ku xukuntay Xbsiyo kala duwan kaas oo sidii loo jirdilayay la dhaafiyay Raganimada.

Askarigaas ayaa lagu helay in Hub waaweyn iyo Rasaas badan uu ka iibsaday Ganacsade xiriir lalahaa Al-shabaab islamarkaana uu markiiba ka qaadanayay $1,000.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment