2604 Views

Gaari Dad Rakaab ah siday oo lagu Rasaaseeyay Duleedka Magaalada Jowhar.

Gaari Dad Rakaab ah siday oo lagu Rasaaseeyay Duleedka Magaalada Jowhar.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 1, 2017—Gaari nuuca Rakaabka qaada ah oo  ay saarnaayeen dad Shacab ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu Rasaaseeyay Duleedka degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu yaraan 3 qof oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday Gaarigaasi ayaa ku geeriyooday 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen Rasaasta la huwiyay Gaarigaasi.

Waxaana Gaarigaan Rakaabka siday  oo lagu Rasaaseeyay Tuulada Maxaas Cali uu ku soo jeeday Magaalada Muqdisho sida uu Qaranimo.com  u xaqiijiyay mid ka mid ah Rakaabkii Gaarigaas.

Ma jiro wax war ah oo Maamulka Hirshabelle ay ka soo saareen Gaarigaasi dadka Rakaabka sida ee lagu Rasaaseeyay Tuulada Maxaas Cali oo qiyaastii 5 Km  u jirta Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Duleedka Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku sii kordhayay indhawaanahaan Kooxaha ku labisan Dareeska Ciidamada dowladda ee Gaadiidka dadka shacabka ah ay saaran yihiin halkaas ku dhibaateeya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment