2289 Views

Wafdi ka socda Dowlada Soomaaliya oo gaaray Hindiya

Wafdi ka socda Dowlada  Soomaaliya oo gaaray Hindiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 1, 2017—Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa Gaaray dalka India.

Waxaa lagu waddaa in ay lasoo wareegaan Maxaabiis Soomaaliyeed oo loo heysto falal burcadnimo oo ku xiran dalka Hindiya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay kula soo wareegayso Maxaabiis ka badan 118 qof oo ku xiran dalka Hindiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa intii ay jirtay ku guuleysatay in ay soo deyso Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Itoobiya Muddo badan.

Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India ayaa la kulma dhibaatooyin xooggan waxaana badankood loo heystaa falal Burcadbadeednimo.

Waxaana dowladdu ay sheegtay in muddo ka yar sanad in dhammaan Maxaabiista ku xiran dalalka Caalamka Muqdisho la keeni doono.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment