3432 Views

Cajiib!!: Robots-kii Facebook oo sameystay luqad u gaar ah, kaddibna la demiyay !

Cajiib!!: Robots-kii Facebook oo sameystay luqad u gaar ah, kaddibna la demiyay !
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  August 2, 2017— Kooxda FAIR ee Facebook ayaa ku dhawaaqay war la yaab leh oo ah in Robot-yada uu adeegsado Facebook ay iskood isu horumariyeen oo ay ku sheekeysteen luuqad u gaara ah.

Kooxda Facebook’s Artificial Intelligence Researchers: FAIR,ayaa sheegay in Aaladaha Robotka ee Facebook ay horumarin ku sameeyeen islamarkaana gaarsiiyeen in ay qeybta Ganacsiga geli karaan gor gortan iyo in Rukunka ay ka iibiyaan waxa uu doono iyaga oo qiimaha kula heshiinaya.

Robotyada ayaa la isku xiray qeyb shabakad ahaan ah oo xog lagu shubay wadaagi kara,waxaase la yaabku yimid markii la arkay iyaga oo si gaar ah u sheekeysanaya waliba luuqad u gaar ah oo ay iskood u horumariyeen.

Sheekada Labada Robod dhexmartay ee la fahmi waayay!.

q

Mike Lewis,oo ah Madaxa FAIR ee Facebook ayaa sheegay in dantii ay kalahaayeen Robotyada ay ka weecdeen iyagana go’aan ka gaareen oo ay iska damiyeen.

Labada Robot,ayaa loo sameeyay kaliya in ay la heshiiyaan Rukunka ee aysan ahayn in iyaga ay isla hadlaan,waxaana ay taas sababtay in Robotyada dhan laga taqaluso.

Hanaanka heshiisyada ay geli karaan,tusaale

20

Software-rrada ay ku shaqeeyaan Robotyada ayaa laga helay iyaga oo iskood u horumarinaya luuqad aan la fahmi karin oo ay labadooda ku sheekeysanayaan,waxaana ay taas sababtay in Kooxda FAIR ay go’aan deg deg ah ka gaarto oo ay damiso Barnaamijka FAIR ee Facebook oo dhan.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment