3129 Views

Isbahaysiga Mucaaradka NASA ee dalka Kenya oo ka dhawaajiyey arin muhiim u ah shacabka dalkasi

Isbahaysiga Mucaaradka NASA ee dalka Kenya oo ka dhawaajiyey arin muhiim u ah shacabka dalkasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  August 2, 2017— Isbaheysiga Mucaaridka ah ee Dalka Kenya ayaa sheegay in haddii ay ku guuleystaan talada dalka Kenya doorashada dhaceysa Bishan 8deeda ay Al-shabaab ku cirib tiri doonaan muddo 3; bilood ah.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin oo ka tirsan Xisbiga NASA ayaa Magaalada Gaarisa kaga dhawaaqay in haddii Xisbigooda la doorto ay AMniga ku soo celin doonaan Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Al-shabaabna ka saari doonaan degaannadaas oo dhan.

Faarax Macallin waxaa uu tartan adag kala kulmayaa Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan barre Ducaale oo ka socda Xisboga Jubilee isku kursiga laga doorto.

Faarax waxaa uu xisbiga talada haya ee Jubilee ku eedeeyay in ay la xiriiraan Argagixisada oo ay la xaajoodaan sida uu hadalka u dhigay,waxaana uu xusay in marka iyaga la doorto ay degaannadaas oo dhan nabadeyn doonaan.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment