2472 Views

Taliye ku xigeenka Dekadda Boosaaso oo dhaawacmay

Taliye ku xigeenka Dekadda Boosaaso oo dhaawacmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  August 2, 2017—Dadka Magaalada Boosaaso ayaa ka cabanaya lacagta kunka shilin ee waayadan dhibaatada ku heysa suuqa.Ganacsatada ayaa iska diiday in ay qaataan kunka shilin ee dhawaan galka ah,waxaana ay beddelkeeda qaateen lacagaha Taleefannada iyo Doollarka kaashka ah.

Maamulka Puntland ayaa Ganacsatada ka diiday in ay Canshuurta ku bixiyaan doollarka,waxaana ay taas keentay in Mudaharaad arrintaas lagu diidayo uu ka dhaco Magaalada Boosaaso.

Dadka isku soobaxay oo isugu tagay Garoonka Ciyaaraha ee Boosaaso ayaa dadka u tagay Waxaa ka mid ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka ilaalada Dekadda Magaalada Boosaaso,halkaas oo uu dhaawac ka soo gaaray.

Taliyaha iyo mas’uuliyiinta kale ayaa isku dayay in Dadka isu soobaxay ay ku qanciyaan in ay soo ku laabtaan waxaana rabshado dhacay ka dhashay dhaawaca Taliye ku xigeenka Ciidamada Dekadda Boosaaso.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment