2283 Views

Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti oo ku geeriyooday shil diyaaradeed

Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti oo ku geeriyooday shil diyaaradeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 3, 2017 – Shilkani diyaaradeed oo ka dhacay garoonka ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Jabuuti ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay bur burtay diyaarad military oo ay saarnaayeen askar katirsan dalkaasi.

Waxaa shikaasi diyaaradeed ku dhintay Duuliyihii diyaaradaasi oo lagu magacabo Ibraahim C/llaahi Geele, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed oo kamid ahaa ciidamada Cirka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasiirka difaaca dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon oo ku hadlayay magaca dowladda Jabuuti ayaa ka tacsiaydeeyey geerida askartaasi.

“Anigoo ku hadlaya magaca madaxwweynaha, magaca Xukuumadda’ waxaan halkani tacsiyo ugu dirayaa shacabka  Jabuuti oo ay ugu tacsiyadeynayno geeridii naxdinta lahayd eek u timid Ibraahim C/llaahi Geele, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed, runtii waa tacsi Qaran, waxay ahaayeen dad naftooda u huray in ay qarankoodi difaacaan” Ayuu yiri wasiirka gaashaandhiha Jabuuti.

Co.l Ibraahim C/llaahi Geele ayaa muddo 40 sano ah ka tirsanaa ciidamada militariga dalkaasi jabuuti islamarkaana soo qabtay shaqooyin aad u farabadan wuxuuna ahaa qabiir military gaar ahaan ciidamada cirka , sida uu sheegtay wasaaradda Gaashaandhiga dalkaasi.

02

04

.

.

Xigasho Sonna

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment