3525 Views

Culimada Hargeysa oo ka digay Kaniisadda laga furay Magaalada

Culimada Hargeysa oo ka digay Kaniisadda laga furay Magaalada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 3, 2017 – Culima’udiinka ugu waaweyn Somaliland, qaarkood, ayaa soo saaray bayaan ka dhan ah Kaniisadda la sheegay in dhawaan dib looga furay Magaalada Hargeysa.

Culima’udiinkan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa soo saaray bayaan ka kooban 10 qodob, iyagoona sheegay inaanay bannaanayn in Kaniisad laga furo Deegaanada Somaliland.

Culimada bayaanka soo saartay, ayaa waxaa laga xusi karaa Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Ismaaaciil Cabdi Hurre, Sheekh Xasan C/salaan, Sheekh Maxamed Cali Jaamac, Sheekh Maxamed Cali Geedi iyo Sheekh Ciise Maxamuud C/laahi.

Sheekh Ismaaaciil Cabdi Hurre, ayaa Warbaahinta u akhriyay bayaanka ay soo saareen, iyagoona Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay dib uga laabato, haddii ay jiraan heshiisyo ay gashay, kuna saabsan Kaniisadda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment