3360 Views

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada iyo Lataliyeyaal Gaar ah

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada iyo Lataliyeyaal Gaar ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 03 Ogosto 2017 – Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.

Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay Lataliye-yaasha Madaxwaynaha ee Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta, Amniga Qaranka iyo Lataliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda.

Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada ayaa ka kooban 15 xubnood oo isugu jiraan Saraakiil Ciidan, Aqoonyahanno, Culimo, iyo qaybaha kale ee bulshada.

Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse Guddoomiyaha Guddiga, halka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan loo magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.

Xubnaha kale ee Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada uu magacaabay Madaxwaynuhu ayaa kala ah:
1. Jen. Cabdulqaadir Cali Diini

2. Danjire Maxamed Xuseen Abuukar ( Awliyo )
3. Prof. Muuse Aadan
4. Maxamed Yuusuf Jaamac ( Tigay )
5. Shukri Maxamed Afrax
6. Sh. Abuukar Bashiir Sh. Cabdullaahi
7. Sh. Cali Maxamed Xasan ( Wajiis )
8. Cabdullaahi Calibaar Xoosh
9. Caasha Abuukar Qaasim
10. Abuukar Sheekh Cismaan
11. Suldaan Warsame Suldaan Ibrow Suldaan Caliyow
12. Bashiir Mursal Ciise Bootaan
13. Feysal Weheliye Macalin Cumar

Dhanka kale, Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay S/Guuto Axmed Sheekh Maxamed, Lataliyaha Amniga Qaranka, S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac La-taliyaha Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Maxamed Cabdirisaaq, La-taliyaha Arrimaha Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta, iyo Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo loo magacaabay Lataliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment