2580 Views

Maydadka Ciidamo Katirsan AMISOM oo laga dajiyey Ugaandha

Maydadka Ciidamo Katirsan AMISOM oo laga dajiyey Ugaandha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 3, 2017 – 12 ka mid ah meydadka Ciidankii Uganda ee Axadii lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa shalay galabtii dib loogu celiyay dalkooda, kadib markii laga dejiyay Garoonka Entebbe.

Diyaarad nooca xamuulka ah, ayaa shalay meydadkan ka qaaday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, oo uu ku dhex yaalo taliska ugu weyn ee Ciidamada AMISOM.

Ciidankan oo ka tirsanaa Militariga Uganda ee qaybta ka ah AMISOM, ayaa waxaa lagu weeraray meel ku dhow Deegaanka Golweyn, xilli ay sahay ka qaadeen Degaanka Danow, ayna ku sii jeedeen Degaanka Buulo Mareer.

Ururka Al-Shabaab, ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen ugu yaraan 39 askari, ayna gacanta ku hayaan meydadka askartaasi.

Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Amb. Francisco Madeira oo ka hadlay weerarkaasi, ayaa beeniyay in lagu dilay 39 ka mid ah Ciidamada AMISOM, balse lagu dilay 12 askari, halka 7 kalana lagu dhaawacay.

Dowladda Mareykanka, ayaa dhaleeceysay weerarka ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose, isla-markaana ay ka xun tahay waxyeelada AMISOM ka soo gaartay weerarkaasi.

Sarkaal u hadlay xafiiska arrimaha bulshada ee hawlgalka Mareykanka uu ka wado Somaliya, oo lagu magacaabo Raymond Stephens, ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono taageerada Somaliya, ee dhaqangelinta nabadda iyo horumarka.

10 11 13 14

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment