3768 Views

Sawiro:- Shirkoodii ugu horeeyey ee guddiyada joogtada ah ee labada aqal oo Muqdisho ka dhacay

Sawiro:- Shirkoodii ugu horeeyey ee guddiyada joogtada ah ee labada aqal  oo Muqdisho ka dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 03 August 2017 – Kulanka guddiga joogtada ah ee labada aqal Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa furay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo jeediyey khudbad uu uga hadlayo hannaanka ugu wanaagsan ee ay ku wada shaqeyn karaan guddiyada labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, kulanka ayaana ka qabsoomay xarunta golaha aqalka sare.

Furitaanka kulanka ayeey Wadajir u guddoomiyeen guddoomiyeyaasha labada aqal, waxaana doodaha guddiyada diiradda lagu saaray sidii loo jiheyn lahaa qaabka ay u wada shaqeyn karaan labada aqal iyo guddiyadooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa sheegay in uu soo jeedinayo sameynta xeer u gaar ah labada aqal kaas oo noqonaya midka hagi doona wada shaqeynta goleyaasha iyo guddiyada joogtada ah.

Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo kulankii ugu horreeyey ee guddigada joogtada ah ee labada aqal Barlamaanka Soomaaliya soo xiray ayaa sheegay in la joogteyn doono kulammada guddiyada joogtada labada aqal, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo dardargelin doono helitaanka hab cusub oo ay ku wada shaqeeyaan labada dhinac.

Kulankaan ayaa ah kii ugu horreeyey ee guddigada joogyada labada aqal ee Barlamaanaka Federaalka Soomaaliya, waxaana muuqata goleyaasha wadaan qorshe ku aaddan sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqeyn oo ku saleysan sharciyad si howlaha adag ee guud ahaan horyaalla Barlamaanka Soomaaliya loo hirgeliyo.

6666666666 1111111111111111 00000000000000000000000000000000000000000 0000000000000000 000000

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment