3312 Views

Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray qaar kamid ah Jaamacadaha ugu waaweyn dalka Suudaan

Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray qaar kamid ah Jaamacadaha ugu waaweyn dalka Suudaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 03 August 2017 – Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Soomaaliya Dr. Cabdi Daahir  Cusmaanoo Maalintii labaad howlo Shaqo u jooga Khartuum ayaa booqday laba kamid ah Jaamacadaha ugu waaween ee Dalka Suudan isagoo Booqashadiisa ku bilaabay Jaamacada Axfaad oo ah Jaamacd ay dhigtaan Dumar kaliya wuxuuna Wasiirka halkaasi kula kulmay Gudoomiyaha Jaamcadaasi  Qaasim Badri wuxuuna ka dhageestay Warbixin kooban oo quseeya gabdhaha Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacdaasi.

Gudoomiyaha Jamacadaasi Qaasim Badri  oo warbixin siinayay Wasiirka ayaa cadeeyay  in Gabdhaha Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadan ay yihiin kuwo firfircoon dadaal badan kana soo baxa dhamaan shuruudaha u dagsan Jaamacadda.

Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan ayaa isna ka mahadceliyay  Warbixinta  Gudoomiyaha Jamacada Axfaad uu siiyay  isagoo tibaaxay in Suudaan kaalin weyn ka qaadatay Jaamacadaheed soo saarista hogaan tayo leh oo doorkoodu ka muuqdo Wadanka Soomaaliya sharafna u tahay Jaamacada Axfaad in ay soo saartay mid ka mid ah Gabdhaha Soomaaliyeed oo xiligan ah Gudoomiye Bankiga.

Dhanka kale Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Jaamacada Zaciimal  Al-azharri kuna qaabilay halkaasi Gudoomiyaha Jaamacadasi  isagoo madaxda Jaamacada qado sharafeed halkaasi kula qaatay wuxuuna kala hadlay Gudoomiyaha Jaamacadaasi in ay laba jibaaraan deeqaha Waxbarashada oo ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.

Maalinta Berita ah ayaa lagu wadaa in Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan uu soo gabagabeeyo booqasho qaadatay mudo Sadax Maalmood ku joogay Magaalada Khartuum ee xaruunta Dalka Suudaan isagoo heshiisyo dhanka Deeqaha Waxbarashadana la Saxiixday Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Suudaan iyo Qaar ka mid ah Jaamacadaha ugu waaween ee ka dhisan Khartuum, Ardayda Soomaaliyeedna ay wax ka Bartaan.

00 002 003 004 0006

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment