2604 Views

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Baydhaba u yimid sidii Al-shabab uga saari lahaayeen Leego

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Baydhaba u yimid sidii Al-shabab uga saari lahaayeen Leego
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 06 August 2017 –Ciidamo ka socda Dowladda Itoobiya ayaa soo gaaray Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,halkaas oo ay doonayaan in ay kaga soo duulaan degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Wargeyska Africanews ayaa qoray in Ciidamada Itoobiyaanka ah ay doonayaan in ay isu furaan Waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba oo hadda kala go’an.

Al-shabaab ayaa degaanka Leego Jimcihii kala wareegay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM,kuwaas oo ka hor Al-shabaab isaga guuray degaankaas.

Ciidamo gaaraya 40 oo watay Kolonyo Gaadiid ah ayaa Sabtigii tagay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,halakas oo la filayo in ay kaga dhaqaaqaan dhanka Waddada Leego oo ay hadda heystaan Al-shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa Ciidamadeeda aan ka tirsananyn AMISOM kala baxday Soomalaiya sanadkii la soo dhaafay kaddib markii gudaha dalkaas ay ka dhaceen kacdoon ay sameeyeen Qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada oo diiddanaa dowladda ay Tigreeda hoggaamiso.

 

 

W

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment