2625 Views

G/Shacabakaq Oo Maanta Meel Mariyey Miisaaniyadda Dowladda 2017

G/Shacabakaq Oo Maanta Meel Mariyey  Miisaaniyadda Dowladda 2017
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 06 August 2017 Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oggolaaday miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee Sanadkan 2017ka,taas oo xildhibaannada ay horay ugu celiyeen Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo soo diyaarisay.

Xildhibaannada ayaa markii hore qoonsaday qeybo ka mid ah Miisaaniyadda dowladda ee ay Wasaaradda Malaiyadda u diyaarisay 2017ka,waana ay ku celiyeen Wasaaradda.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa dib u eegis ku sameysay Miisaaniyadda ay soo celiyeen Golaha shacabka,waxaana ay maanta horkeentay Xildhibaannada si ay u meel mariyaan,taas oo ugu dambeyntii ay meel mariyeen.

167 XIldhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa oggolaaday miisaaniyadda dowladda ee ay Wasaaradda Maaliyadda dib u eegista ku soo sameysay,waxaana ay aqbaleen qaabka ay Wasaaradda u soo qoondeysay.

Miisaaniyadda oo gaareysa $260,Milyan oo doollar ayey Xildhibaannada meel mariyeen,waxaana dib u eegista ka mid ah in Ciidamada Dowladda loo kordhinayi mushaarka bilaha soo socda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

.
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment