3261 Views

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Oo Maanta La Doortay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Oo Maanta La Doortay
____________________________________________________________________________

Hargaysa  | QOL | 06 August 2017 –Kulan maanta ay yeesheen Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Somaliland ayey ku doorteen Guddoomiye cusub,kaas oo maanta ay u doorteen Baashe Maxamed Faarax oo ka socda Xisbiga Kulmiye,horayna u ahaa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiillada Somaliland.

Baashe xilkan waxaa kula tartamayay Xildhibaan C/Raxmaan Talyanlle,waxaana codeynta oo gacan taag ahayd Xildhibaannada oo gaarayay 77 XIldhibaan 39 ka mid ah ay codkooda siiyeen Baashe,halka Talyanle uu helay 38 Cod.

Labada Nin doorashadooda ayaa ifa faalo u ah Doorashada Madaxtinimada Somaliland oo la dilayo in ay dhacdo 13ka November waxaana ku tartamaya C/Raxmaan Cirro oo iska casilay Guddoonka Baarlamaanka kana socda Xibsiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Muuse Biixi Cabdi oo Xisbiga Kulmiye ka socda.

Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiillada Somaliland ayaa dhici doonta todobaad kaddib,waxaana sidaas lagu dhameystirayaa Golaha wakiillada Somaliland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Hargaysa 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment