2754 Views

Labo Mudane Oo maanta u tartamaya guddoomiyaha Guddiga Dastuurka

Labo Mudane Oo maanta u tartamaya guddoomiyaha Guddiga Dastuurka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 06 August 2017–Xubnaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee ka kooban labada Gobole ayaa la filayaaa in maanta ay doortaan Guddoomiye cusub,waxaana xubnaha oo toban gaaraya ay ka kala tirsanyihiin Golaha shacabka iyo Xubnaha qalka sare.

Xubnaha oo kulanyeelanaya ayaa waxaa ay kala dooran doonaan Musharrixiin labo ah oo isu soo sharraxay xilka Guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka ee labada Gole.

Labada xubnood ee tartamaya ayaa kala ah Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole,labada Nin waxaa ay horay u soo noqdeen Madaxweynayaasha Maamullada Galmudug iyo Puntland sida ay u kala horreeyaan.

Tartankan waxaa uu yahay mid aad u xiisa badan,waxaana labada Musharrax oo loo arko in ay yihiin labo Nin oo saameyn ku leh xubnaha aqalka sare dhexdooda ay ku tartamayaan Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Labada Gole.

Xubnaha shanta ah ee Golaha aqalka sare ay ku leeyihiin Guddiga dib u eegista Dastuurka ayaa kala ah:

  1. Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud-Faroole
  2. Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid: 38
  3. Sen. Xuseen Sheekh Maxamud
  4. Sen. Cabdikarim Maxamed Xasan: 27
  5. Sen. Iftin Xasan Iman.

Sidoo kale Xubnaha shanta ah ee Golaha shacabka ay ku leeyihiin guddiga dibu eegista Dastuurka ee labada Gole ayaa kal ah.

1-Cismaan Xaaji Cali

2-Maxamwd Cabdillahi Kaamil

3-C/Rashiid M.Xasan

4-Burhaan Aadan Cumar

5-Axmed Abdul Ruush.

8; ka mid ah tobankaas ayaa u codeyn doona Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Labada Gole,waxaana tarmaya labada soo hartay oo kala ah Faroole iyo Qyebdiid.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

.
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment