2808 Views

Maxkamadda C.Q.S Oo Racfaan ka diidday 3 wiil oo horay dil loogu xukumay

Maxkamadda C.Q.S  Oo Racfaan ka diidday 3 wiil oo horay dil loogu xukumay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 06 August 2017 –Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Racfaan ka diidday saddex dhallinyaro ah oo horay Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada ay dil ku xukuntay.

Raggan ayaa Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida qeybteeda 60aad waxaa ay ku xukuntay dil toogasho ah,waxaana ay racfaan ay ka qaateen u gudbiyeen Maxkamadda sare ee Ciidanka taas oo iyana saaka ku celisay racfaanka kuna raacday xukunkii Maxkamadda darajada1aad.

Go’aanka Maxkamadda sare ayaa u qornaa sidan.

” Go,aan Maxkamadeed:

MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA Q.SIDA

MARKAY ARAGTAY:Rafcaanka ay soo qorteen:-
1) Maxamad Aadan Cali (Booroow) 22 jir ah Ina Khadiijo Macalin Maxamad ku dhashay Bakool .
2) Soomoow Cali Aadan (C/laahi Ilka-Case) 23 jir ah Ina Makaay Isaaq Keeroow ku dhashay Bakool .
3) Xasan C/laahi Ibraahin (Qoor-Gaab) 28 jir ah Ina Xabiibo Maxamad ku dhashay Waajid Degan Baydhabo.

MARKAY ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo Qodobada. 434, 221 XCS. oo lid ku ah Racfaanlayaasha.
MARKAY ARAGTAY:Xukunka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Q.60aad ay ku xukuntay Racfaanlayaasha .
MAXKAMADDU
MARKAY ARAGTAY: qiraalka racfaanle Maxamad Aadan Cali (Booroow) uu ka hor qoray garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabab isla-markaana uu 2 xabad ku dhuftay sheekh madeer madgaab Aliyoow oo ku jira salaada taraawiixda gudaha masaajidka sheekh Aadan wariish asagoo gacan ka helaya racfaanlayaal Ilka-Case iyo , Qoor-gaab .
Markay Aragtay:- qiraalka racfaanle Soomoow Cali Aadan ( Ilka-Case) uu ka hor qoray garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabab isla-markaana lagu soo qabtay Bastoolad Makaaroof ah howshaasna uu gacan ku siinaaye Xasan C/laahi Ibraahim (Qoor-gaab).

MARKAY DHAGAYSATAY: Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda marag furkii ay bixiyeen oo ahaa in ay soo qabteen racfaanlaha 1aad (Booroow) ayna gurigiisa kasoo qaadeen bastoolad makaarof ah iyo hal bambo f1 ah, sidoo kale racfaanlaha 2aad ( ilka-case) ay kasoo qaadeen gurigiisa hal bastoolad oo makaaroof ah, waxay sheegeen maragu in labadaba u sheegeen in uu la shaqeeyo racfaanle {qoorgaab} una qaabilsanaa inuu soo sahmiyo qofka la dilaayo asagana uu soo sahmiyay sh. madeer madgaab si loo dilo
MARKAY DHAGAYSATAY:- Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay Racfaanlayaasha.

MAXKAMADDAWAXAA U CADAATAY:
In Racfaanlayaasha kala ah: 1- Maxamad Aadan Cali (Booroow). 2- Soomoow Cali Aadan (C/laahi Ilka-Case). 3- Xasan C/laahi Ibraahin (Qoor-Gaab) ay wada yihiin dembiilayaal galay dembigii lagu soo oogay.
MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA Q.SIDA WAXAY KU RAACDAY
Xukunkii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Q.60aad horey ugu xukuntay oo ahaa:-
1- Maxamad Aadan Cali (Booroow) waxay ku xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Sheekh Madeer Madgaab Aliyoow.
2- Soomoow Cali Aadan ( Ilka-Case) iyo Xasan C/laahi Ibraahim (Qoor-gaab) waxay ku wada xukuntay Xabsi Daa,in.

WABILLAAHI TOOWFIIQ”.

xxxxxxxxxxxxqqqqqq

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

.
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment