2811 Views

Meydka Wiil Dhalinyaro Ah Oo Laga Helay Xeebta Degmada Kaaraan

Meydka Wiil Dhalinyaro Ah Oo Laga Helay  Xeebta Degmada Kaaraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 06 August 2017 –Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolkaan Banaadir aya waxa ay sheegayaan in Xeebta degmadaas lag helay meydka wiil Dhalinyaro ah oo ay Baddu soo tuftay.

Taliye ku xigeenka Saldhiga degmada Kaaraan Xuseen Badmaceeye,oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay  in wiilka meydka ah da’ ahaan lagu qiyaasay 20-sano jir islamarkaana baddu ay kasoo tuftay nawaaxiga Kawaan Bari ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray hadalkiisa in si fiican aan loo aqoonsan karin meydka wiilkaas,kadib markii uu Badda mudo Saacado ah ku jiray.

Xiliyada qaarkood ayaa waxa ay Baddu qaadaan Dhlinyrao farabadan kuwaas oo doonaya in ay u dabaal tagaan balse ay dhibaato ka soo gaarto.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment