2628 Views

Raila Odinga Oo Ku Dhawaaqay In Uu Aqoonsi Siindoon Midkamidah Maamul Gobaleedayada Dalka

Raila Odinga Oo Ku Dhawaaqay In Uu Aqoonsi Siindoon Midkamidah Maamul Gobaleedayada Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 06 August 2017 –Musharraxa Mucaaridka Kenya ee Raila Odinga ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada dalka Kenya ee dhaceysa Talaadada soo socota uu Ciidanka Kenya ka saaraya Soomaaliya.

Mr Odinga ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya uu ka saarayo dalka kaddibana ay amniga ka sugi doonaan gudaha dalkooda.

Odinga waxaa uu ahaa Ra’isalwasaaraha Kenya markii Ciidamada Kenya ay soo galayeen Soomaaliya,waxaana amarka ay ku soo galeen bixisay Xukuumaddii uu Ra’isalwasaaraha ka ahaa.

Xisbiga NASA ee uu hadda hoggaaminayo ayaa ololaha doorashada ku galay in Kenya ay xasilinayaan kana baxayaan Soomaaliya sida ay rabto Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa Kenya shuruud uga dhigay in Ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya haddii ay dooneyso in weerarrada Al-shabaab ee Kenya ay joogsan doonaan.

Dhanka kale Mr Odinga waxaa uu xusay in haddii uu noqdo Madaxweynaha Kenya uu aqoonsi siinayo Maamulka Somaliland oo sheegtay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

Arrintan haddii ay dhacdo Kenya waxaa ay noqoneysaa Dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland,taas oo Aqoonsigeeda aysan raalli ka ahayn Midogwa Afrika oo ka wal walsan haddii la aqoonsado Somaliland in Gobollo kale oo Afrika ah madaxbanaanina sheegta ay aqoonsi raadis ku doodaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment