2742 Views

Xildhibaano Dhowr ah Ka Horyimid Ansixinta Golaha Wasiirada

Xildhibaano Dhowr ah  Ka Horyimid Ansixinta Golaha Wasiirada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 06 August 2017—-Waxaa isasoo taraya Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta diidan ama dhaliilsan Golihii Wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

In ka badan 70 ka mid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegay in ay aad uga soo horjeedaan ansixinta Golaha Wasiirada,islamarkaana kulamo Gooni Gooni ah ay ku leeyihiin Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolks Baay.

Sidoo kale waxaa jira Siyaasiyiin iyo waxgarad taageersan Go’aanka Xildhibaanada waxana ka mid ah Ugaas Axmed Xaaji Xasan, oo la hadalay Qaranimo Online ayaa wax sheegay in Go’aanka Xildhibaanada uu yahay midkii loo baahnaa.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray Ugaaska in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan aysan xiligaan wanaagsaneyn in uu ku mashquulo magacaabista Golaha Wasiirada balse ay aheyd in uu soo Magacaabo Madaxweyne ku xigeen.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Baydhabo

___________________________________________

.
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment