3168 Views

C/Qeybdiid oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Gole

C/Qeybdiid oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Gole
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 07  August 2017—Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa  maanta loo doortay Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka labada Gole ee Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga dibu eegista dastuurka labada Gole oo ka kooban 10 Xubnood ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdi Qeybdiid iyo C/Raxmaan Faroole oo u tartamayay guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Gole,waxaana guuleystay Cabdi Qeybdiid oo helay 6 Cod,halka C/Raxmaan Faroole uu helay 4 cod.

Labada Musharrax ayaa laftirkooda codeynayay maaddaama uu guddiga ka koobanyahay 10 xubnood,waxaana sidaas Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada gole ku noqday Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Xubnaha aqalka sare ayaa horay u sameystay ilaa todobo guddi oo dhexooda ah,waxaana Guddigan isku dhafka ah ee ka socda labada Gole ay shaqadoodu tahay dib u eegista Dastuurka dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment