2568 Views

Duqay Xoogan Oo ka dhacday Qayba Ka tirsan Sh/dhexe

Duqay Xoogan Oo  ka dhacday Qayba Ka tirsan  Sh/dhexe
____________________________________________________________________________

Sh/Hoose   | QOL | 07  August 2017—Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  ayaa duqeyn culus xalay waxa ay ku garaaceen duleedka degaanka Cali Fooldheere oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii halkaasi ay soo galeen dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo Ajaanib ay ka mid yihiin.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Mahadaay, ayaa xaqiijiyay  in duqeyntaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa  Al Shabaab, halka sidoo kale ay sheegeen in lagu dhaawacay rag Ajaanib ah oo Shabaab ka bar bar dagaalamaayay.

Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe C/laahi Xuseen Maxamed, ayaa Qaranimo Online  u sheegay duqeyntaasi in lagu dilay Sarkaalka Shabaabka ka tirsan, halka ku dhaawacmay, dhaawacooda doon looga qaaday degaanka Nuur dheere oo wabiga ku dhaw, loona qaaday dhanka degaanka Fiidow sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanka Dowladda iyo Amisom oo wadajir ah ayaa fuliyay duqeynta, waxaana laga sameeyay degaanka Cali fooldheere, koleey waxaa naloo sheegay saddex ruux oo dhaawac ah iyo laba mayd ah inay ka qaadeen degaanka Nuur dheere oo doon ay uga qaadeen, dadka shacabka ah ayaana noo soo sheegay, inay u sii socdeen dhanka Fiidow.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Mahadaay.

Ciidanka Dowladda, ayaa Shabaab muddooyinkii u dambeeyay kula dagaalamaayay dhulka hawdka ah ee degaanka Cali Fooldheere, halkaasi oo ay adag tahay sida Shabaab looga saaro, maadaama dhul hawd ah uu yahay, Shabaabkana ciidan badan ay geeyeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Sh/Hoose 

___________________________________________

.
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment