2277 Views

Maamulka Soomaaliland Oo Digniin Horleh Soosaaray

Maamulka Soomaaliland Oo Digniin Horleh Soosaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 07  August 2017—Wasiirka Wasaaradda Duuliska Hawadda maamulka Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa , waxaa uu sheegay in Somaliland ay tilaabo adag ay ka qaadi doonto diyaaradaha sida Sharci darada ah uga soo dega degaanada maamulka Somaliland.

Waxaa uu sheegay in diyaarad aan Fasax ka heysan Somaliland hadii ay kasoo degto Garoomadda Somaliland in ay la kulmi doono ciqaab adag.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan damaanad qaadi doonaan Ammaanka diyaaradaha aan ka diwaan gashaneyn Somaliland.

Waxaa uu ugu baaqay in ay si deg deg ah ay isku soo diwaan geliyaan.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Duuliska Hawadda Somaliland, waxaa uu sheegay in maanta Diyaarad sida 150 qof oo xajka u socda ay ka ambabixi doonto Magaalada Hargeysa, taasoo ah dufcadii koowaad.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

.
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment