2310 Views

Muran ka dhashay Doorashadii Ka Dhacaday Hargaysa

Muran ka dhashay Doorashadii  Ka Dhacaday Hargaysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 07  August 2017—Iyadoo shalay Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland ay doorteen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi ayna u doorteen Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax ayaa waxaa soo baxaya Isqab qabsi iyo Muran Siyaasadeed oo ku aadan Doorashadaasi shalay ka dhacday Magaalada Hargeysa.

Cabdiraxmaan Maxamed Tayanle oo la tartamay Baashe Maxamed Faarax oo xalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa hoosta ka xariiqay in qalad uu ka dhacay qaabka loogu dhawaaqay Natiijada Doorashadaasi isagoona tilmaamay in codadka  39-ka ee la sheegay in uu ku guuleystay Baashe Maxamed Faarax uu lahaa isagu sida uu hadalka u dhiagay.

Doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland ee shalay ka dhacday Xarunta Baarlamaanka Maamulkaas ayaa sida ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashadaasi waxa ay kala heleen Musharrixiintii u tartamayay Kursigaasi, Baashe Maxamed Faarax oo la sheegay in uu helay 39 Cod halka Cabdiraxmaan Maxamed Tayanle uu helay isna 38 Cod.

Welina ma jirto wax war ah oo ay ka soo saareen Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland Cabashada uu soo gudbiyay Musharrax Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Tayanle ee ku aadan in Codadkiisii la siiyay dhigiisa Baashe Maxamed Faarax.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

.
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment