6960 Views

Q.M; oo dib u bixisay Mushaarka Ciidanka Kenya ee Somaliya

Q.M; oo dib u bixisay Mushaarka Ciidanka Kenya ee Somaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 07  August 2017—Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dib u fasaxay mushaarka Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya oo uu muddo muran ka taagnaa joogitaankooda Soomaaliya.

Qeybta Maaliyadda Qaramada Midoobey ayaa horay dood u gelisay Ciidamada Kenya ee Soomaaliya oo aan dalka ku soo gelin oggolaansho Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Ciidamada Kenya ayaa 2011kii soo galay Soomaaliya iyada oo Kenya ay markaas sheegtay in Al-shabaab ay ka saareyso sohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.

Intaas kaddib Ciidamada Kenya ayaa waxaa ay soo galeen Soomaaliya iyaga oo gaarayay 4,300 oo Askari,waxaana dhowr Sano kaddib lagu daray AMISOM markii ay sidaas codsatay Kenya.

Qaramada Midoobey ayaa juddo ku dhegganeyd bixinta Mushaarka Ciidanka Kenya ee Soomaaliya jooga,waxaana dhowr jeer arrintaas ka hadlay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ku dooday in Kenya ay ka mid tahay AMISOM.

Sanduuqa dhaqaalaha Qaramada Midoobey ayaa hadda fasaxay Mushaarka Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya,mushaarkaas oo gaaraya Sh6.78 billion, oo Lacagta Kenya ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment