2850 Views

Qarx Xoogan Oo Ka Dhacay Kenya

Qarx Xoogan Oo Ka Dhacay  Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 07  August 2017—Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacantay ka dib markii ay miino la qaraxday gaari ay saarnaayeen oo maraayay degaanka  Nyongoro  oo udhaxeya wadada isku xirta magaalooyinka Garsen iyo Lamu ee dalka Keynya.

Waxaana looga shakisan yahay in ay miinadaa ay dhulka ku aaseen ururka Ururka shabaab ee ka dagaalamo gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxa howlgalada amaanka degaanka Linda Boni Joseph Kanyiri ayaa xaqiijiyay in uu weerarkaa miino uu dhacay xilli ay ciidamada amaanka ay howlgalo ka wadeen degaankaasi.

Isagoona sheegay in wax dhimasho ah uusan ka dhalan qaraxaasi miino ee lala eegtay gaarigaasi.

Gaarigaan qaraxa miino la kacay ayaa ka yimid degaanka Milindi isagoona kusii jeeday degaanka Mokowe oo ka tirsan gobolka xeebta ee Lamu.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment