2481 Views

Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo La Dilay

Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo La Dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 07  August 2017—Fariisimo Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxana weerarkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Masuuliyiint Maamulka degmada Mahadaay ayaa waxa ayQaranimo online  u sheegeen in weerarkaas ay fuliyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaliya oo garab ka helaya ciidamada caawiya Soomaaliya ee Mareykanka.

Weerarkaas oo ku bilaawday duqeyn ayaa waxa ay maamulku sheegeen in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen weerarkas,kuwaas oo ay u qaadeen deegaanka fiidoow,oo ah inta u dhaxeysa Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa dhankooda Barta Internet-ka waxa ay ku soo qoreen in ay iska difaaceen weerar kaga yimid xulufada dowladda Soomaaliya ay hoggaamiso islamarkaana ay ku dileen tiro ka tirsan ciidamadii soo weeraray

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

.
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment