3006 Views

Sawiro:-Dibad Bax Xoogan Oo Muqdisho Laga Dhigay

Sawiro:-Dibad Bax Xoogan Oo Muqdisho Laga Dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 07  August 2017—Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ayaa dhigay Banaanbax ballaaran oo ay kaga cabanayaan dhibaatooyin adag oo loogu gaysto wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan ay dhigeen wadayaasha Mootooyinka Bajaajta, ayaa salka wuxuu ku hayaa in loo diiday inay ka soo gudbaan wadada wadnaha ee Magaalada Muqdisho, horayna waxaa looga xiray wadooyinkii Jidcadyaasha ahaa ee xaafadaha Muqdisho dhexmari jiray.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu yimid Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay dhigeen Mootooyinkii ay ku shaqeynayeen, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Dowladda Somaliya.

Intii Banaanbaxa ay dhigaayeen wadayaasha Mootooyinka Bajaajta, ayaa waxaa goobta soo gaaray Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo dadkii banaanbaxa dhigaayay halkaasi kula hadlay.

Wuxuu u sheegay Banaanbaxayaasha inay isdajiyaan oo dhibaatada ay ka cabanayaan wax laga qabanaayo, Shan ruux oo guddi ahna ay iska soo saaraan, si xarunta Dowladda hoose ay u tagaan, kadibna laga shiro caqabada haysata wadayaasha Mootooyinka Bajaajta.

bbbbbbbbbbbbbbbbbbbb q wwwwwwwwwwwwwww wwwwwwwwwwwwwww rrrrrrrrrrrrrrrrr

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment