2475 Views

Shir looga hadlay Howlgallada ka dhanka ah Burcadbadeeda oo ka dhacay dalka Uganda.

Shir looga hadlay Howlgallada ka dhanka ah Burcadbadeeda oo ka dhacay dalka Uganda.
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 07  August 2017—Entebbe  (Sh.M.Network)-Shirkan oo ka dhacay Magaalada Entebbe ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Xeebaha dalka Uganda iyo Masuuliyiin ka kala socda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa IGAD.

Waxaa Shirkaasi laga sheegay in muhiim ay tahay in la xaqiijiyo amniga Biyaha Soomaaliya, maadaama ay soo laaban karto awoodo Kooxaha Burbadbadeeda Soomaaliyeed.

Madaxa Amniga iyo Nabada ee Urur Goboleedka IGAD, Tewolde G. Redda ayaa waxuu balan qaaday in ay sii wadayaan taageerida Hay’addaha kala duwan ku howlan sidii looga hortagi la haa Burbadbadeeda.

Waxaa uu sidoo kale carabka ku dhiftay muhiimad gaar ah uu u leeyahay shirkan Biyaha Soomaaliya, maadaama sida uu yiri la wada xusuusto Weeraro dhowr ah oo Kooxaha Burcadbadeeda Soomaaliyeed ay fuliyeen.

Dhawaan ayee aheyd markii Dowladdaha Caalamka qaarkood ay ka digeen soo laabashada Kooxaha Burcadbadeeda Soomaaliyeed, inkastoo ay sheegeen in hoos ay u dhaceen weeraradii Kooxahaasi ay fulin jireen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment